Sida ay ku waramayaan wararka ka imanaya magaalada BAladweyne xarunta gobolka Hiiraan ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ayaa xabsiga u taxaabay Masuuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Culimada Ahlusuna Waljamaaca iyo Maamulka Dooxada Shabeele ee halkaasi ku sugan.

Madaxweynihii Maamulka Dooxada Shabeele Ninka lagu magacaabo C/fitaax Xasan Afrax iyo Gudoomiyihii Fulinta gobolka Hiiraan ee Ahlusuna Aadan Cabdule Cawaale ayaa wararku shegayaan in Xabsiga ay dhigeen ciidamada Itoobiya ee Baladweyne ku sugan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sababta ugu weyn ee masuuliyiintani xabsiga loo dhigay ay ka dambeysay ka dib israsaaseyn labada dhinac u dhaxeysa oo habeenimadii xalay xili Maqribnimadii ah ay ka dhacday duleedka magaalaada baladweyne.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaaqeen in ay hubka dhigaan dhinacyada Askarta soomaalida ah ee sida wada jirka ah dhowaan ay u soo galeen magaalada Baladweyne .

Sikastaba ha ahaatee xaalad siyaasadeed oo kacsan ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay labada dhinac waa Ahlusuna waljamaaca iyo maamulka Dooxada shababeele, waxaana taasi ay soo ifafaale baxday markii shalay gelinkii dambe ay israsaaseyni dhexmarta labada dhinac.

C/casiis Ok
SBC INternational Baladweyne