Ciidamada Dowlada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne xarunta Gobolkaasi Hiiraan ayaa la soo sheegayaa in ay qafaal u geysteen gaadiid nooca xamuulka ah oo ay leeyihiin ganacsatada rayidka ah ee Magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay tiro gaadiid nooca xamuulka ah ka kaxeysteen gudaha magaalada iyagoona kala baxay Baladweyne aanse la xaqiijin karin halka ay la aadeen.

Gaadiidkan oo ah gaadiid ay ganacsato ku raranjirtay Xamuul islamarkaana u ka dhex shaqeynayay gobolka aan la ogeyn ujeedada ay u qafaasheen iyo danaha ugu jira waxa ay tahay
Gaadiidleyda gaadiidkan xamuulka qaada laga kaxeystay ayaa sheegay in arinkani ay si weyn uga xun yihiin islamarkaana ay cabasho u gudbiyeen maamulka DKMG ah ee ku sugan magaalada Baladweyne.

Ma jiraan warar ku aadan Cabashadooda dadkan oo ay dhankooda ka soo saareen saraakiisha DKMG ah ee Gobolka ku sugan.

Warar hoose oo aynu ka heleyno dad goob joogayaal ah oo magaaladaasi ku sugan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gaadiidkan ay u adeegsanayaan qaab rakaab iyagoona ciidankooda ku raray, sida lagu arki karo fariisimahooda magaalada Baladweyne ay ku leeyihiin.

Sikastaba ha ahaatee Wali ma jiraan cid xaqiijin karta sababta ciidamada Itoobiya ay u qafaasheen gaadiidkan waaweyn ee xamuulka ah.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe.