Saqdii dhexe ee habeenimadii xalay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in weerar culus oo madaafiic ah lagu qaaday fariisin xaafadaha galbeed ee magaaladaasi Baladweyne ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaasi ku sugnaa waayadii ugu dambeysay.

Madaafiicda Cul culus gaar ahaan kuwa garabka laga gano ayaa siweyn looga maqlayay dhawaqooda deegaanada qaar ee magaalada Baladweyne, iyadoo ay jirtay rasaas xoogleh oo markii dambe qaab isweydaarsi ah u dhaceysay sida ay dadweynaha gobolkaasi xaqiijiyeen.

Ilaa iyo iminka ma jiraan warar si rasmi ah loo xaqiijin karo oo ku aadan khasaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday ciidamada Itoobiyaanka, waxaana sidoo kale aan la xaqiijin Karin cida sida rasmiga ah ugu dambeysa iyadoona aan jirin cid sheegatay .

Saaka markii uu waagu wabryay ayaa waxaa laga warhelay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah oo ku soo kalahay xaafadaha galbeed iyaga iyo gaadiidkooda iyo ciidan lugeynaya kuwaasi oo bilaabay howlgalo ay ka fulinayaan deegaanada ka agdhow fariisinkii xalaylagu weeraray

“Guri guri ayay u galayeen xaafada, waxaana muuqata in dadkii badi ay isaga soo carareen, gaar ahaan dhalinyarada oo aan aniga ka mid ahay” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafadaha galbeed ee Baladweyne oo sheegay in isaga iyo dhalin kale ay isaga soo carareen guryahoodii ka dib cabsi ay ka muujiyeen in ciidamada Itoobiya ee Howlgalada fulinaya ay tuhun ku qabtaan ka dibna ay dhibaato ka soo gaarto.

Sikastaba ha ahaatee marba mark aka dambeysa waxaa soo kordhaya weerara ciidamada Itoobiya iyo kuwa soomaalida ah lagula eeganayo baladweyne iyadoo taasina ay saameyn buuxda ku yeelaneyso dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi haba u badnaadaan dhalinyarada.

C/casiis Okey
SBC International Garoowe