Muqdisho:  Ciidamadda ilaalada xeebaha  Jasiiradda Seychelles Ayaa waxaa ay Sheegeen In Ay maanta Ay Badbaadiyeen Ilaa Iyo 4 qof Oo Kulumaysato ah Oo Maalmihii la Soo Dhaafay Ay gacanta Ku hayeen Kooxaha Burcad badeeda Somalida.

howlgal ay Ku qaadeen Burcad Badeeda Ayaa Waxaa Ay  ku guuleysteen in ay soo bad baadiyaan afar kamid ah kaluumaysatada u dhalatay Jasiiradaasi oo talaadadii  aynu soo dhaafnay  qafaasheen burcad badeeda Soomaalida xilli ay ka kaluumaysanayeen meel aan sidaa uga fogeyn  xeebaha Jasiiradda Seychelles.

Howlgalkani ay ciidamada ilaalada xeebaha Sychelles ku soo bad baadiyeen afarta nin ee kaluumaysato jasiiradasi ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Seychelles James Michel iyo taliyaha ciidamada badda  sida ay ugu dhiiradeen inay ka soo furtaan gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida afar badmaaxayaal oo ay horey u heysteen kuwa ka doonayay in laga siiyo Madaxfurasho. Ehelada Dadka 4tas Qof Ayaa waxaa ay Ku booqdeen Cusbitaal Ku Yaalaa l ku yaala Jaziiraddaasi.

Maxamed Xaaji Xasan
SBC News Desk