Ciidamada Hindiya ee halwgalka ilaalada ka wada xeebaha badweynta Hindiya ayaa ku guuleystey inay ka badbaadiyeen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya markab ganacsi oo ay saarnaayeen 24 qof oo shaqaale Shiineys ah.Markab oo lagu magacaabo MV Full City oo laga leeyahay Shiinaha waxaase uu ku gooshayey calanka wadanka Pamana, shaley arooryadii ayaa burcad badeedu waxay isku dayeen inay ka qabsadaan xeebaha Hindiya gaar ahaan Mumbai una jirta Soomaaliya 450 nautical miles una dhigta 850 KM.Markabkan ayaa ka warhelay weerarka shufto badeeda waxaana uu digniin caawimaad dalbasho ah u diray maraakiibta dagaalka ee xeebaha ku sugan, iyadoo si deg deg ah mudo 30 daqiiqo ah ka jawaabeen codsigaasi ciidamada badda ee Hindiya kuwaasi oo diyaarad dagaal oo nooceedu yahay TU-142 ay u soo direen jihadii uu markabku ka soo qayliyey.Ciidamada Hindiya ayaa sameecado cod dhaadheer kula hadley burcad badeeda kuna wargaliyey in ciidamo Hindi ah & kuwa NATO ay ku soo fool yihiin ayna badbaadiyaana markabka taasi oo keentey in burcad badeedii ay halkaasi ka baxsadaan oo ay ka degaan markabka MV Full City ka dibna ay fuuleen doonyaha yar yar oo ay ku sii gaareen markab yar oo ay wateen oo ah nooca loo yaqaan (Mother ship) oo ay u adeegsadaan afduubka maraakiibta.Sarkaal ka tirsan ciidamada Hindiya ayaa sheegay in mudo 3 saacadood ah ay dusha kala socdeen markabka Shiinaha oo ay galibiyeen ilaa ay ka heleen maraakiib dagaal oo Shiinaha laga leeyahay kuwaasi oo lagu wareejiyey galbinta markabka.

SBC News Desk