Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay maanta waxaa isaga baxay ciidantirabadan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo halkaasi ku sugnaa tan iyo intii ay gacanta dowlada soo gashay magaaladaas.

Ciidanka ka baxay baydhabo ayaa la sheegay in ay abaareen deegaano kale oo ka tirsan gobolka halka wararkalena ay sheegayaan in ciidankan ay ku siijeedaan gobolka Barkool, siiba caasimadiisa Xudur oo ay gacanta ku hayaan xoogaga xarakada Alshabaab .

Fariisimadii ay ka bexeen ciidankan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay gaareen ciidan kale oo ka tirsan kuwa Amisom iyo kuwa dowlada federaalka ee iyana ku sugnaa gudaha magaalada Baydhabo.

Warar kale ayaa iyaguna ku waramaya in ciidankan Itoobiyaanka ah ay dib ugu laabanayaan gudaha dalkooda ka dib markii ay soo dhamaadeen xiliga joogitaankooda gobolkaas ay horay ugu qorsheesteen.

Jiritaanka arintaas oo la weydiiyay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ee kus ugan magaalada baydhabo ayaan wax jawaab ka bixinin waxayna u muuqataa inay ka gabasadeen.

SBC International Baydhabo