Ilo war gal ah oo ku sugan gobolkaasi Galgaduud ayaa u xaqiijiyay SBC International in saaka deegaano ku yaala gobolkaasi ay gudaha u soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Itoobiya oo ku hubeysan Hubka cul culus iyo gaadiidka dagaalka gaar ahaan nooca looyaqaan uralka .

Waxay sheegeen ilaha wargalka ah in ciidamadaasi ay ka soo gudbeen degmada Balambal ee gobolka Gagaduud iyagoona u soo ruqaansaday dhanka bartamaha Gobolka .

Ilaa iyo iminka ma jiraan cid faah faahin ka bixisay soo galitaanka ciidamada Itoobiya gudaha Dalka gaar ahaan gobolka Galgaduud, waxaanay dadka gobolka isla dhexmarayaan in soogalitaanka ciidamadan Itoobiya ay qeyb ka yihiin hadalo dhowaan ka soo yeeray midowga africa iyo dowladaasi Itoobiya oo ahaa in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabanayaan gobolada qaar ee dalka Soomaaliya.

3 maalin ka hor ayay aheyd markii kulan ay ku lahaayeen Midowga Africa magaalada Adis ee xarunta dalka itoobiya lagu soo qaaday in ciidamada Itoobiya ay dib u galaan Soomaaliya, midowga africana uu ku dhawaaqay in lagama maar maar ay tahay in galitaanka Ciidamada itoobiya gudaha Somaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Shabaab almujaahidiin.

Ilaa iyo iminka ma jirto hadal ka soo baxay Maamulka Culimada Ahlusuna waljamaaca ee ka arimiya gobolka Galgaduud, waxaana ay ka gaabsadeen saraakiil ka tirsan culimaa udiinka ahlusuna oo aan qadka telefoonka ku wacnay.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada Itoobiyaanka ah ee yimid Galgaduud ayaa waxaa ay suurto gal tahay in ay gudaha u galaan guud ahaan gobolka Galgaduud sida Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.