Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ayaa wada isbalaarinta goobihii ay ka baxeen xoogaga Shabaabka ee ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka Waqooyi & waqooyi Bari.

Ciidaamdan iskaashanaya ayaa maanta la wareegay  Isgoyska Fagax, Hotelkii Kaah ilaa Hotelka Ramadaan, waxaana dagaal ay la galeen maleeshiyaad agagaaraha Shineemo Puntland & wadada aada Ex Control Balcad.

Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa yoolkoodu yahay inay u gudbaan xaafada Hurwaa & SOS oo ay ku sugan yihiin xoogaga Shabaabka, iyadoo deegaanadaasi & Suuqa Xoolaha yihiin goobaha ay ku sugan yihiin.

Taangiyada ciidamada AMISOM ayaa haatan waxay ka dagaalamayaan agagaaraha Hotel Ramadanm & Fagax, waxaana madaafiic ay ku duqeynayaan goobo fog fog oo ka mid ah degmada Hurwaa.

Ciidamada AMISOM & kuwa DKMG ayaa doonaya inay fariisimo ka sameystaan warshada Baastada & sarta Xayle Bariise oo ka tirsan degmada Hurwaa, waxaase halkaasi ay kala kulmeen iska caabin kaga imaanaysa kooxaha Shabaabka oo deegaanadaasi ka dagaalamaya.

DAAWO SAWIRADA