Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay degmooyinka qaar ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa saaka bilaabay howlgalo balaaran oo daba jooga qarax shalay ka dhacay Tiyaatarka magaalada Muqdisho kaasi oo geystay khasaare, waxaana ay ka sameeyeen degmooyinka magaalada iyagoona dad ku soo qabqabtay .

Dadka la qabqabtay oo aan la heyn tiradooda dhabta ah ayaa  hadana waxaa ay ciidamada ugaga shakiyeen ku lug lahaanshaha qaraxii shalay ka dhacay tiyaatarka .

Taliyaha ciidamada Maamulka DKMG ah ee Gobolka banaadir ayaa u sheegay qalabaka saxaafada in Ciidamadooda ay dar dar gelinayaan howlaha lagu xaqiijinayo amaanka, howlgalada maantana ay jiraan dad lagu soo qabqabtay oo loogaga shakiyay xarakada Shabaab Almujaahidin.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo gaaf wareegaya xaafadaha iyo weliba wadooyinka deegaanada magaalada Muqdisho, waxaanay baaritaan iyo qabqabasho kula  dhaqaaqayeen qofwalba oo ay ka shakiyaan .

Sikastaba ha ahaatee Taliye yaasha ciidamada DKMG ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu booriyay in ay kor dhiyaan howlgalada lagu sugayo amaanka, xili ay soo baxayeen Eedeymo ka soo yeerayay dadweynaha taasi oo ku aadanaa in ciidamada Amaanka ee DKMG ah ay isdhigteen.

 

C/khaddar Maxamed Siraad
SBC International Muqdisho.