Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo isugu jira Ciidamada Nabad sugida, Police-ka, Militeriga iyo Qaar ka tirsan kuwa Amisom ayaa Saaka Howlgalo ka sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ah Goobo Maalmihii la soo dhaafay Amaan xumi laga soo sheegayay.
Dhalin yaro farabadan ayaa howlgaladaasi lagu qabqabtay waxaana la arki karay dhalinyaradaas oo la isugu keenay goobo ku yaala Xaafadahaasi kuwasi oo tiro ahaan gaarayay ku dhowaad 1000 Qof .
Intii uu soconayay Howlgalada ay ciidanku wadeen maanta ayaa islamarkaana dhalinyarada la isugu keenayay goobaha kala duwan ayaa ciidanku waxa uu goobta keenayay dhalinyaro iyagu ka tirsanaa xarakada Shabaab Almujaahidiin islamarkaana iminka ku jira ciidamada nabad sugida si ay dhalinyarada goobta lagu soo aruuriyay uga dhinta gartaan qaar ka tirsan xarakada Alshabaab.
Dhalinyaradii lagu soo qabqabtay Howlgalada ayaa qaarkood la sheegay in ay ka tirsan yihiin xarakada Alshabaab ka dib markii ay ka soo dhexsaareen ciidamada Nabadsugida ku biiray ee horay u ahaa Alshabaab.
Saraakiisha DKMG ah ayaa ka hadlay howlgalkan maanta waxaana ka mid ahaa oo howlgalka Hogaaminayay Agaasimaha guud ee Nabadsugida Axmed Maxalin Fiqi oo sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu doonayay in amaanka lagu sugo .
Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarlaan ee Mudooyinkii ugu dambeeyay laga sameeyay Magaalada Muqdisho maadaama ay horkacayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Nabadsugida, Police-ka, Militeriga iyo Amisomka, waana mid daba jooga falal amaan xumi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay Magaalada .
C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.