Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay wehelinayaan kuwa Midowga Africa ee Soomaaliya u jooga howlgalka Amisom ayaa shaaciyay in maanta ay gacanta ku dhigeen deegaanka lagu magacaabo Laantabuuro oo 40km kaga beegan galbeedka magaalada Muqdisho Xarunta Dalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa saaka kula wareegay deegaankaasi weerar ay u qaadeen si wada jir ah, waxaana ka dhacay dagaal aan xoogiisu weyneyn halkaasi.

Laantabuuro waa deegaan sanadihii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Xoogaga xarakada mujaahidiinta Alshabaab waxaana ay ka tirsantahay Gobolka Shabeelaha hoose, waxaanay ka mid aheyd goobaha ay xoogaga xarakada Alshabaab ka abaabuli jireen weerarada lagu qaado ciidamada DKMG ah sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidamada Amisom.

Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa qalabka warbaahinta u xaqiijiyay qabsashada laanta buuro iyagoona sheegay in ciidamada ay qabsadeen deegaanka islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in howlgalka ay kula dagaalamayaan xarakada Alshabaab uu siisocdo ilaa lala wareego xarunta gobolkaasi Shabeelaha hoose ee Marka.

SBC International Muqdisho.