Xaalad kacsan iyo abaabulo dagaal ayaa ka soconaya magaalada Marka xarunta gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo ay duleedka u fadhiyaan ciidamada Midowga africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya Amisom iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaraya magaaladaas ayaa sheegaya in ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay dhoobteen deegaano aad ugu dhow magaalada Marka halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo iyadoona ay soconayaan abaabulo ah in ay halkaasi horay uga sii dhaqaaqan oo ay galaan magaalada xarunta ah ee Marka.
Saaka Arooryadii hore ayaa ciidamada DKMG ah iyo kuwa Amisom ay weerar kula wareegeen deegaano farabadan oo ka tirsan gobolka kuwaasi oo hoosyimaada caasimada Marka sida deegaanada Shalanbood, buufoow iyo
Sida ay soo warinayaan wariye yaal ku sugan gobolkas dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi xoogan iyadoo laga baqa qabo in xoogaga xarakada Alshabaab ee ku sugan gudaha Marka uu dagaal ku dhexmaro ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada.
Ciidamada ayaa iminka ku sugan deegaanada ceeljaale iyo cagaaran waxaana la soconaya rasaas ay isweydaarsanayaan labada dhianc
Daalacatey :268