Wararka ka imanaya Degmada Baladxaawo ee Gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in ciidamada DKMG ah iyo kuwa ahlusuna ay siwada jir ah ay howlgalo ka bilaabeen gudaha Degmadaasi ka dib markii Xarakada Alshabaab Almujahidiin ay weeraro ka geysteen goobo ku yaala Magaaladaas.

Warar dheeraad ah oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusuna ay howlgalada bilaabeen ka dib is rasaaseyn halkaasi ku dhexmartay ciidamada iyo xoogag hubeysan oo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin xarakada Alshabaab.

Howl galada Ciidamada ayaa la sheegay in ay ku qabteen dad ay ugaga shakiyeen waxyaabaha ay ugu dhaqaaqeen howlgalada, inkastoo aan la xaqiijin karin inta tiro ay dhanyihiin dadkaasi.

Dhinaca Kale ciidamada Dowlada Kenya ee ku sugan gobolka ayaa iyana hakad geliyay saaka isku socodka dadka iyo gaadiidka degmada Mandheera iyo Baladxaawo, taasi oo la xiriirtay Howlgalada ay ciidamada DKMG ah ka bilaabeen Baladxaawo.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa magaalooyinka Gobolka Gedo qaas ahaan inta ay ku suganyihiin ciidamada DKMG ah ka soconayay Dhacdooyin soo laalaabtay oo ay weeraro ugu qaadayeen xoogaga xarakada Alshabaab.

Sikastaba ha ahaatee Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada DKMG ah ee ku sugan Magaalada Baladxaawo ay howlgalo ceynkan oo kale ah ka sameeyaan tasi oo ay dad ku qabtaan .

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Banaadir.