Boosaaso-Hawlgal ay ka sameeyeeyn magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ciidamada Booliiska ayay ku soo qabqabteen ugu yaraan 10 qof oo looga shakisan yahay ku luglahaanshaha falal amni xumo oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Bari Saaciid Jaamac Hurunlkaasi uu la xiriiro sugida amaanka isagoo xaqiijiyey inay soo qabteen 10 qof oo uu sheegay in ay uga shakisan yihiin amni darida ka dhacey Boosaaso, waxaana uu sheegay inay soo taagi doonaan maxkamad sida ugu dhakhsiyaha badan.

Hawlgalkan ayaa ku soo aadayaa iyadoo magaalada Boosaaso mudooyinkii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal dilal ah oo u muuqda kuwa abaabulan ama qorsheysan kuwaasi oo loo gaysanayey dad isugu jira masuuliyiin, odayaal dhaqameed & waliba dad waxgal u ah bulshada.

Toogasho & qaraxyo lagu dilay dadkaasi ayay walaac ka muujiyeen dadka magaalada Boosaaso iyagoo ka dalbadey maamulka gobolka & dawlada dhexe in si deg deg ah wax looga qabto falalkaasi amni xumo ee joogtada ka noqdey caasimada ganacsiga Puntland.

SBC Monitoring