Wararka ka imaanaya Degmada xaafuun ee Gobolka karkaar ayaa ku waramaya in manta uu halkaas ka dhacay isku dhac hubeysan oo dhexmaray ciidamada Badda Puntland iyo Koox hubeysan oo ay dowladu ku tilmaantay inay yihiin Burcad badeed  waxaana isku dhacaas lagu soo qabtay 6 nin iyo shan qori oo ay wateen kuwaasi oo Ciidamada badda kula dagaalamay Degmada Xaafuun.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari Col Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta Gudaha Xabsiga ayaa sheegay in 6-da qof ay ciidamada Badda ku soo wareejiyeen lagu soo qabtay ka dib markii ay dagaal la galeen ciidamada Badda oo shalay (26.05.2012) tagey Degmada ay saaka kula dagaalmeen.

Howlgalka kooxdan hubeysan lagu soo qabtay waxaa ku dhaawacmay Mid ka mid ah Kooxda lagu eedeyay burcada kaasi oo ay ciidamada amaanku sheegeen in uu ka mid ahaa rag horey ciidamada Booliiska Ugula dagaalay Deegaano Ka tirsan Puntland.

Dadka Deegaanka Xaafuun oo la soo xiriiray warbaahinta SBC International ayaa ku doodaya in Dadka la dagaalamay Ciidamada badda Puntland ay yihiin dadka deegaanka iyaga oo meesha ka saaray in Deegaankooda ay joogaan Burcad badeed Hubeysan.

Degmooyinka Puntland ee ku yaala Dhinaca Xeebaha ayaa waxaa  fariisimo ku leh Kooxo hubeysan Oo burcad badeed ah una qafaal taga Xeebaha ka baxsan Soomaaliya kuwaasi oo ay ka soo qafaashaan Gadiidka Badda maraya.

Dhinaca kale wararka laga helayo Degmada Xaafuun ayaa ku waramaya inay Xaalada Degmada ay degan tahay ka dib markii Dagaal uu ka dhacay Saaka Degmada kaasi oo dadka Qaarkii ay ka muujiyeen walaac Daran.

Sawiro








SBC International Monitoring