Ciidamada Badda ee India ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan weerar isdabajoog ah oo ay kooxo hubeysan oo burcad badeed ah ay ku qaadeen gadiid badeed marayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya iyaga oo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah burcada Soomaalida

Sarkaal u hadlay Ciidamada Badda ee India ayaa waxaa uu sheegay in weerarkan lagu qabtay burcad badeeda uu noqonayo kii shanaad oo guul ku dhamaada kaasi oo ay qaadan Ciidamadooda.

“Ciidamadeenu markii ay arkeen shan doonyood aan uga shakinay Burcad badeed waanu dabagalnay si aan u xaqiijino ka dibna waxaa noo muuqday inay yihiin burcad badeed Hubeysan kuwaasi oo wada hub shidaal iyo Bambooyinka qarxa waxaana ciidamadeena oo qaba tababar sare ay ku daateen doonyahaasi waxaana lagu qabtay 26 qof oo Soomaali ah,” Captain Manohar Nambiar ayaa sidaas u sheegay Mid ka mid wargeysyada dalkaasi India

Ciidamada Badda ee India ayaa sadex doonyood oo ka mid ah shanta doonyood oo ay weerareen waxay ku qabteen qoryo lix qori oo ah nooca AK47 Walxa qarxa oo ka kooban 300 oo xabo iyo agab kale oo ay isticmaalaan burcad badeeda Soomaalida

Qabashada kooxdan ayaa imaaneysa xilli Dagaalka lagula jiro burcad badeeda uu noqday mid dalalka caalamka ay il gaar ah ku eegayaan iyadoo gadiid badeedka la dagaalamaya ay ku soo xoomayaan xeebaha soomaaliya si ay gadiidkooda uga dhiciyaan Burcad badeeda Soomaalida

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Monitoring