Ciidamada badda ee Wadanka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay koox looga shakiyay Burcad badeed Soomaali ah oo weerar ku qaaday dooni kaluumeysi oo laga leeyahay wadanka Spain oo ku sugneyd Xeebaha Badaweynta Hindia ee Soomaaliya u dhow.

War ka soo baxay Wasaarada difaaca Dowlada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciidamdooda ay ka celiyeen Burcad badeed Soomaali ah Gadiid badeed maryay xeebaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo jasiirada Seychelles.

Ciidamada Badda ayaa rasaas digniin ah ku riday doonida ay wateen burcad baadeeda Soomaalida ee weerarka qaaday wallow kooxaha burcada soomaalida ay iska dhago tireen digniinta ciidamada badda taasi oo keentay in markab daggaal oo ay leeyihiin Ciidamada ingiriiska uu baacsaday kooxda burcada ah oo markii danbe gacanta lagu dhigay.

Doonida kaluumeysi ee kooxda Burcada ah laga badbaadiyay oo laga leeyahay wadanka Spain ayaa iska sii wadatay safarkeeda dhinaca badda ee jasiirada Seychelles iyaga oo taageero ka helaya ciidamada boqortooyada Ingiriiska.

Sarkaala u qaabilsan Ciidamada Diyaaradaha ee ingiriiska  Alastair Thompson ayaa sheegay in kooxda ay qabteen ee Burcad badeeda Soomaalida lagu maxkamadeyn doono Seychelles taasi oo ka danbeysay Heshiis isfaham oo u dhaxeyaa Dowladaha Ingiriiska iyo Seychelles kaasi oo la gaaray sannadkii 2009

Howlgalada lagu dagaalamayo Burcad baadeeda Soomaalida ayaa si aad ah u xoogeystay tan caalamka oo dhan iyadoo dowlada Ingiriiska ay ku dhaawqday Bishii October ee sannadkan in gadiid badeedka wata calanka wadankooda ay saarayaan Ciidamo hubeysan oo ka celiya Kooxaha Burcada Soomaalida.



SBC International Monitoring