Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Denmark oo lagu magacaabo absalon ayaa waxaa uu burcad badeed Soomaali ah ka fujiyay badmaaxiin u dhashay wadamada Paksitaan iyo Iiraan oo gacanta ugu jiray koox Burcad badeed ah.

Warka ka soo baxay Safaarada Denmark ee Magaalada Islamabad ayaa waxaa lagu sheegay in CIidamada Badda ee Denmark ay badaadiyeen Badmaaxiin iskugu jira Paskitaniyiin iyo Iiraaniyiin Gacanta Burcad badeeda Soomaalida ku jiray tan iyo Bishii November ee sanadkii tagey ee 2011

Ma jirto wax war ah oo sheegay qasaare soo gaaray nafeed oo ka dhashay howlgalka lagu soo badbaadiyay Badmaaxiinta Paksitaan iyo Iiraan waxaana lagu xusay warfinta Safaarada in burcada Haystay Kooxdan ay dhamaayeen 25 qof oo aad u hubeysan.

Ciidamada Badda ee Denmark ayaa markii ay ka warheleen in Markabka ay badbaaidyeen afduub loo haysto ayaa waxay bilabeen inay rasaas digniin ah ku ridaan taasi oo ay burcadu ka jawaabi weyday ka dibna waxaa biloowday howlgal xoog leh oo kula wareegeen Awood Markabka.

Dhinaca kale dowlada Pakistan ayaa dhanbaal mahadcelin ah u dirtay ciidamada badda ee Denmark oo ku aadan soo badbaadinta Muwaadiniinta dalkeeda u dhashay ee afduubka loo haystay mudooyinkan.

Kooxda la badbaadiyay ee ah badmaaxiinta iran iyo Pakistaan ayaa dib ugu laabanaya Wadankoodii dhawaan siada lagu xusay war ka soo baxay saraakiisha ciidamada Badda ee Denmark.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com 
SBC International Monitoring