Xafladan ayaa waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo qaban qabiyeen Ciidamada Bada Puntland waxayna ku aadaneed xarig ka jarida Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Bandar Siyaada oo ka tirsna Gobalka Bari oo lagu sameyay dayacti ay fuliyeen Ciidamada Bada Puntland .

Waxaa Munaasabadaa ka soo qayb galay Madax .ka socotay Dowlada Puntalnd .oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro,Wasiiro ku xigeeno .Taliyaasha ciidamada ilaalada bada Puntland .Odayaasha Deeganka .Mamulka Degamada Bandar Siyaada. Hooyoyin .iyo Caruurtii dhiganaysay Iskuulkaa

Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadlay Ciise Maxamed Ciise oo isagu ka mid ahaa Uqaashii halkaa ku sugnayd waxaana uu ka war bixiyay deeganka bandar siyaada mar xaladihii uu soo maray isagoo sheegay in deegankan uu ahaa mid la asaasay qarnigii lix iyo tobnaad  hadana uu halkaa uu marayo ay gaarsiiyeen dadka deeganka .waxaana uu si aad ah ugu mahad naqay ciidamada bada Puntland .

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Bandar Siyaada oo isagu sheegay in uu aad ugu mahad celinayo Ciidamada Bada Puntland oo uu sheegay in ay wax badan u qabteen deeganka isla markaana ay ka sugayaan intaa wax ka badan isagoo ka codsaday in dayac tirka ay ku sameeyen iskoolka ay ku sii daraan inay deer u sameeyan isla markaana maamulka degmada uu garab tagan yahay ciidamada dhan walba

Masuuliyiintii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa taliyah ciidamada Bada Puntland  Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo isagu u mahad celiyay dhamaan ka soo qayb galayaashii xafladaas isagoo sheegay in ciidamada bada Puntland ay yihiin kuwo mar walba diyaar u ah inay ka qayb qaatan horaminta deeganada Puntland isagoo sheegay in sababta ciidamada loo asasy ay tahay inay ilaaliyaan bada Puntland lakin ay wax badan u qabteen deeganada hadana ay diyaar u yihiin .

iyadoo ay badnaayeen madaxdii halkaa ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa xiriiriyah ciidamada bada iyo Puntland C/saaq Maxamed Xidig waxaana uu in badan ka hadlay mahiimada ay u leedahay dadka deeganka iskuuulka loo dayac tiray isla markaana loo qalabeeyay waxaana uu sheegay in intaa iyo in kabadanba ay diyaar u yihiin ciidamada ilaalada bada Puntaln lakin shacabkana looga baahan yahay inay garab istaagan si wax walba u hagaagan hadan aysan xumayn wada shaqaynta ka dhaxaysa lakin intaa in laga badiyo loo bahanyahay .

Ugu dabayntii waxaa Xafladaa soo xiray Wasiirka Wasaarada Beerah iyo Daaqa Puntland Maxamuud Xaaji Saalax oo isagu ugu horayntii mahad balaaran u jeediyay dhamaan ka soo qay galayaashii xafladaas, waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Ciidamada bada oo uu ku tilmaamay inay yihiin halyeeyo wax badan u qabtay dalka intay hada asasnaayeen isla markaana laga sugayo intaa iyo in ka badan.waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in sikuulka degmada uu mantay yahay mid qalabkiisu u dhamaystiranyahay .ardayda wax ka baranaysana ay yihiin kuwo dalka wax ka mamauli doona, isgoo xusay in mahad balaaran ay mudantahay dowlda imaaradka carabta oo gacan wayn ka gaysatay mashruucan

Iskuulkan ayaa waxaa uu ahaa mid markii hore aan dayac tirneen isla markaana ay u dhamaystirneen qalabka wax barashada hadase waxaa uu yahay mid dhamaan u dhan yihiin agabkiisa wax barasho ee loogu tala galay .

Daawo Sawirada

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso