Ciidamada Bada Kuuriya oo rasaaseeyay Doonyo ay ku tuhmeen in ay wateen Burcad badeed Soomaali ah.

Ciidamada Bada Kuuriyada Koonfureed ayaa rasaaseeyay Sadex Doonyood oo ay ku tuhmeen in ay wateen Burcad badeed Soomaali ah,iyadoona ay baacsadeen markii ay tuhmeen in ay weerar gaysanayaan.

Hogaannka ciidamada isku dhafka ah ee xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in goorsii horaysay oo subaxnimadii saakay ah ay diyaarad dagaal iyo weliba Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada koonfureed ay baacsadeen Sadex doonyood oo ay ku tuhmeen in ay wateen Burcad badeed Soomaali ah.

Lee Bung-woo oo u hadlay Ciidamada isku dhafka ah ayaa sheegay in weerarka baacsiga ah ay ku qaadeen Burcad badeeda kadib markii ay tuhmeen in ay weerarayaan Markab ganacsiga oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Burcad badeeda waxaa ay weli wadaan weerarada ay ku qaadayaan gaadiidka ganacsiga iyo weliba kuwa xamuulka ee gooshaya badaha ka agdhow xeebaha Soomaaliya.

SBC International Monitoring