Ciidamada ammaanka ee Gobalka nugaal ayaa maanta soo bandhigay qamri iyo dadkii watay intaba oo ay sheegeen in dhawaanta ay gacanta ku soodhigeen ciidamada ilaalada kantaroolka galbeel ee magaalada Garoowe kuwaasi oo baaritaano Xoogan ku sameeya baabuurta soo galaysa magaalada Garoowe.

Dhamme Gaarane Wakiil Diiriye oo ah taliyaha kantaroolka Galbeed ayaa sheegay in qamrigaani ay gacanta ku soo dhigeen xilli Habeen ah sheegayna in ay saarnaayeen gaari nooca ay soomaalidu u taqaan marketka ah oo waday xilligaasi qaad balse lagu soo dhex qariyay qamri .

Taliyaha Saldhiga dhexe ee dagmada Garoowe laba Xidigle Aadan Muuse Jaamac  ayaa isna sheegay in uu bulshada ka codsanayo inay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamda ammaanka kulana dardaarmay wadayaasha gaadiidka  inaysan gaadiidkooda soo sarin waxyaabaha maandooriyayaasha ah kii soo saarana ay ciqaabayaan dadka rakaabka ahina ay ku dhibaatoonayaan.

Dhanka akale Aadan muuse Jaamac waxa uu ka war bixiyay howl gallo ay habeenadii danbe ay ka wadeen xaafadaha kala gadisan ee magaalada Garoowe ciidamada ammaanku oo uu sheegay inay dad ku soo qabqabteen kuwaasi oo horay faldanbiyeedyo uga galay magaalada Garoowe maxkamadina ku xukuntay in laga masaafuriyo gobalkaani .

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka guud ee gobalka iyo dagmada ,waxaana muddooyinkii danbe soconayay howl gallo ay wadeen ciidamda ammaanka ee Gobalka nugaal gaar ahaan magaalda Garoowe.

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC INternational Garoowe