Ciidamada Dowlada Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa maanta weerar isbalaarin ah kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolkaasi Shabeelaha hoose.

Sida ay sheeganayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom waxaa weerarkii maanta lagu qaaday deegaano ka tirsan gobolkaasi shabeelaha hoose ay ciidamadooda ku gaareen goobo ay ka mid tahay degmada Janaale iyo deegaano kale oo hoos yimaada.

Afhayeenka Ciidamada Amisom oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya lawareegida ay la wareegeen deegaanadaas ay muhiimad dhinacyo badan ah u leedahay qabashada deegaanadaas.

Gobolka Shabeelaha hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay deegaano ka mid ahi ku sugan yihiin xoogaga xarakada Alshabaab ka dib markii ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom ay galeen deegaano badan oo gobolkaasi ah sanadkii hore .