Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta kudhigeen deegaanka Warsheeq ee Gobolkaasi shabeelaha dhexe.
Saraakiil ka tirsan ciidamada oo lahadlay Qalabka warbaahinta ee Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in ay la wareegeen degaanka warsheeq iyo deegaano kale oo ka agdhow, waxaana ay intaasi ku dareen in ay ku siijeedaan dhanka magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka shabeelaha dhexe.
Maalin nimadii shalay ayay ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida matalaya ee Dowlada FSoomaalia gaareen Galbeedka deegaankaasi oo u jira Magaalada Muqdisho Xarunta dalka 75Km waxaana ay noqoneysaa magaaladaasi tiilabaad oo ka tirsan gobolka Shabeele dhexe oo ay ciidamadu qabsadaan iyadoo horay ay halkaasi u joogeen xoogaga xarakada Shabaab Almujaahidin.
Mudooyinki ugu dambeeyay ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ayaa marayay deegaanada dhanka xeebta iyagoo soo qabsaday deegaano ay ka mid tahay Ceelmacaan, waxaana ay shaacinayaan in dhowaan ay la wareegi doonaan magaalada Jowhar
Daalacatey :368