Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka waxa ay gudaha u galeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMisom ayaa xaqiijiyay gacan ku heynta Degmada Balcad, waxaana dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in dagaal yar ka dib saaka aroortii ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ah gudaha u soo galeen Balcad iyagoona bilaabay in ay fariisimo ka sameystaan goobo duleedka magaalada ah iyo saldhigii ciidanka ee Bartamaha.
Cabtian Badhi Akunda Afhayeenka Ciidamada Amisom oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in saaka howlgalkii ay ku qaadeen Degmada Balcad uu noqday mid ay si aad ah ugu guuleysteen islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka soo gaaray ciidamada Amisom dagaalkii dhacay.
“Saaka Waxaynu qaadnay Howlgal, xaqiiqdiina waanu ku guuleysanay, waxaanu ahaa mid aan ku qaadnay si degen degmada Balcad, haatana waxay ku jirta gacanta Ciidamada Midowga Africa ee Amisom” ayaa ka mid ahaa hadaladii uu saxaafada ka sheegay Afhayeenka ciidamada Amisom.
Waxaa sidoo kale uu Afhayeenku sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii ay ku gaari lahaayeen dhulal kale oo ka tirsan dalka siiba in ay gacanta ku dhigaan sida ugu macquulsan magaalo madaxda gobolka Shabeelaha dhexe ee Jowhar.
hadalka ka soo baxay Ciidamamda Amisom Afhayeenkooda ayaa ku soo aadaya ka dib markii maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa Amisom guluf colaadeed oo ku wajahan gobolka Shabeelaha dhexe siiba magaalada Maanta ay gacanta ku dhigeen ee Balcad..
C/qaadir Maxammed Cabdulle
SBC International Muqdisho.