Ciidamada Amaanka Puntland oo Gaalkacyo ka wada Howlgalo Amaansugid ah

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa ka bilaabay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug howlgalo balaaran oo ay ku qabqabanayaan cid alaala cidii ay uga shakiyaan amaandaro gudaha Magaaladaasi .

Ciidamada looyaqaan daraawiishta Puntland iyo kuwa Dowlada hoose ee Magaaladaas ayaa badi saacadahii la soo dhaafay ka waday Magaalada howlgalo waaweyn oo ay sheegeen saraakiishoodu in amaanka magaalada lagu sugayo .

Waxay ciidamadu qabanayeen Cidkastaa oo ay uga shakiyaan amaan xumi waana ay kaxeysanayeen iyagoona ula dhaqaaqayay goobaha saldhigyada ah ee ay magaalada ku leeyihiin.

Xiliyada habeenkii ah ayaa siweyn loodareemaa howlgalada ciidamada iyadoo aad arki karto gaadiidkooda dagaal oo dhexjibaaxaya wadooyinka waaweyn ee magaalada .

“Waxay ciidamadu xiraan wadooyinka iyagoo roondeynaya waxaana ay ugaarsadaan gaadiidka leh bacaha madow ee looyaqaan Bersolka iyagoona islagoobta ugaga fiiqa” waxaa sidaasi yiri goobjooge ku sugan bartamaha maagalada xili uu la hadlayay xafiiska SBC ee Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidamada ayaa iyagu idaacadaha ka sheegay in howlagalada amaanka lagu sugayo ay sii socondoonaan ayna qeyb ka yihiin ka shaqeynta nabadgeliyada gobolka .

Liibaan C/laahi Faarax
SBC International Gaalkacyo.

Daalacatey :503

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print