Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay shaqaaqooyinka, qaraxyada, iyo dilalka qorsheysan.

Ciidamada Amaanka Maamulka Jubaland ee horay loo oran jiray Raaskambooni ayaa saaka magaaladaas ka bilaabay howlgalo xoogan oo sida ay soo sheegayaan wariye yaasha SBC ee halkaasi kusugan lagu qabqabtay dad farabadan.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in dadkan la qabqabtay ay ciidanka u qabteen turunka xaaladaha amaan daro ee ku soo badanayay maalmihii la soo dhaafay magaalada.

Dadkan oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda rasmiga ah ayaa waxa ay ciidankaasi geeyeen fariisimadooda magaalada ay ku leeyihiin iyagoo ku wada baaritaano lixaadleh.

Maalin nimadii shalay ayay aheyd markii magaalada Kismaayo ay ka dheceen falal qaraxyo iyo isugu jira dilal qorsheysan kuwaas oo dadkii ku waxyeeloobay ay u badnaayeen rayid aan waxba galabsan.

Maamulka jubaland ee ka arimiya magaaladaas ayaa arinkan si habsami leh uga hadlay isagoona gudi amaanka ka shaqeeya u saaray kuwaas oo iminkadanba ku dhaqaaqay howlaglo amaanka lagu sugayo.

SBC International Kismaayo.