Ciidamada Amaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa Bandow iyo Howlgalo baaxadleh ku soo rogay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka uu ka arimiyo Maamulkaasi.

Ciidamada Ayaa sameynaya Howlgalo ay ku qabqabanayaan cidii wadata Hubka sharci darada ah iyagoona gaaf wareegaya goobaha suuqyada ah iyo weliba wadooyinka ay isugu yimaadaan mushtamaca magaaladaas.

Bandowga iyo Howlgalada Ciidanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii uu ku dhawaaqay inta uusan ka amba bixin magaaladaasi Madaxweynaha Maamulkaasi uu ku dhawaaqay in ciidamada ay sugi doonaan Amaanka islamarkaana ay ugaarsanayaan hubka sharci darada ah.

Shacabka magaaladaasi ku dhaqan ayaa iyagu mar ay la hadleen xafiiska SBC International waxa ay soo dhaweeyeen howlgalada ay ciidamada wadaan iyagoona sheegay in tani ay qeyb ka dahay amaanka oo si hagaagsan noqdaa.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada Ayaa howlgalkooda waday xalay ilaa iyo maanta iyagoona ku daadsan magaalada islamarkaana sameynaya howlgalo xoogleh oo ay dadka iyo gaadiidka ku baarayaan.

Liibaan Qaran
SBC International Garoowe