Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolkaasi Mudug ayaa sheegay in ay ku daba joogaan Nin maanta gelinkii hore rasaas uu furay uu ku dhintay qof rayid ah midkalena uu ku dhaawacmay.

Isbitalka Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay qofka ku dhaawacmay rasaasta uu furay ninkani waxaana uu rasaasta furay xili uu marayay wado ka mid ah wadooyinka magaalada oo aad u mashquulbadnaa,

Lama oga ilaa iyo hada sababaha ninkaasi uu rasaasta u huwiyay qofka dhintay iyo kan dhaawaca ah waxaana la sheegay in markii ay rasaastu dhacday uu ninkaasi meesha isaga cararay.

Maamulka Amaanka ee Gobolka ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan ninkaasi ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku rajo weyn yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan .

Sikastaba ha ahaatee xaalada Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa aheyd maalmihii la soo dhaafay mid ka soo reynaysa, marka laga reebo falal ay dadku ka cabanayeen oo u badnaa kuwo ay geysanayaan rag tuugo ah ,

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo.