2 ka mid ah Ciidamada Amaanka gobolka Mudug ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday magaalada Gaalkacyo ka dib howlgal ay ku jireen sida ay soo sheegayaan Wariye yaasha SBC ee magaalada Gaalkacyo.

Askartan ayaa dhaawacooda waxa uu yimid ka dib markii uu iska caabin kala horyimid nin la sheegay in uu ka tirsanaa kooxdii dhaca u geystay Xarunta Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ninkaasi inkastoo uu kala horyimid iskacaabin xoogan.

Bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay ayay aheyd markii koox hubeysani ay dhac iyo dil kageysteen Xarunta Xawaalada Lagu magacaabo Kaah Express ee Boosaaso, waxaana intii ka dambeysay soconayay dabagal iyo baaritaano ay wadaan ciidamada Amaanka kuwaas oo horay ugu soo qabtay rag uu ka mid ahaa ninkii hogaaminayaha u ahaa kooxda falka ka dambeysay.

SBC International Gaalkacyo