Beijing:-Mas’uulka u qaabilsan arrimaha dibadda golaha qaranka KMG dalka Libya ninka lagu magcaabo Maxamuud Jibriil ayaa gaaray dalka China si uu ula yeesho wadahadalo rasmi ah madaxda dalkaas.

Jibriil ayaa la filayaa in uu kala hadlo mas’uuliyiinta China sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada Libya halkaasi oo china ay dano dhaqaale ka leedahay.

China ayaa ka daad gureysay dalka Libya 30 kun oo shaqaalaheeda sababa la xiriira dhibaatooyinka ka jira dalka Libya.

China ayaa sheegtay in ay raacayso waxa ay ugu magac dartay siyaasadda dhexdhexaadka ah iyo in aysan faragelin arrimaha dowladaha kale.

Sidoo kale xukuumadda china ayaa ka gaabsatay in ay u codeyso qaraarkii golaha amaanka xilligii ay NATO bilaawday howlgalada milatari dalka Libya.

China ayaanan ka codsanin madaxweyne Mucammar Al-qadaafi in uu xilka isaga dego balse booqashada wafdi ka socda golaha qaranka KMG dalka Libya ee dalka China ayaa dhabar jab ku noqonaysa maamulka madaxweyne Qadaafi.

China ayaa laba laabtay dadaalkeeda ku aadan qancinta labada dhinac si loo dhameeyo dhibaatada kajirta dalka Libya.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Libya ninka lagu magcaabo Cabdicaadhi Al-cubeydi ayaa horaantii bishan booqasho qaadatay saddex maalmood ku tagay dalka China.

Mr Jibriil oo joogi doono dalka China muddo laba maalmood ayaa la filayaa in uu ka dalban doono mas’uuliyiinta dalkaas taageero maaliyadeed.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring