Chelsea ayaa ku durdurisay kooxda ay isku magaalada London ka wada dhisan yihiin ee Tottenham ciyaar ka dhacdey guriga Chelsea ee Stamford bridge ka dib markii laba goo loo dib ka soo kac ay dhaliyeen  Frank Lampard & Salomon Kalou.Daqiiqadii 19 shabaqa Chelsea waxaa ruxay gool caaqibo leh oo ka mid noqonaya goolasha mucjisada ah oo uu 25 yard ka soo laaday ciyaaryahanka Sandaro kaasi oo shabaqada gees ka galiyey suurtagalna u noqon waydey goolhayaha Chelsea Petr Cech in uu qabto.Laakiin daqiiqadii ugu dambeysay qaybta hore ee ciyaarta laad uu soo qaabeeyey xidiga khadka dhexe Chelsea uga ciyaara Frank Lambard ayaa si nasiib xumo ah uga baxsadey goolhayaha Tottenham Heurelho Gomesb taasi oo qaybtii hore ciyaarta ku soo afjartay 1-1.Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isagu soo laabtey macalin Carlo Ancelotti wuxuu badalay shaxda ciyaarta wuxuuna ku laabtey shaxdiisa caanka uu ku yahay ee 4-3-3 waxaana uu badaley shaxdii maanta uu soo galey garoonka ee 4-4-2 taasi oo afka hore ama weerarka uu dhigtey maroodiga Afrika Didier Drogba & xidiga 80-ka milyan ee doolar ku fadhiya Fernnado Torres, waxanaa badal ku soo galay Salomon Kalou iyo weeraryahanka Muslimka ah ee ka soo jeeda Faransiiska Nicolas Anelka (Abdul-Salam Bilal).Tababaraha reer England ee hogaamiya kooxda Tottenham Harry Redknapp wuxuu ciyaarta badal isku dayey in uu ku sameeyo isagoo soo galiyey weeraryahanka afka Jermain Defoe  &  Jermian Jenas laakiin taasi ma noqon mid u suurtagalisa inay ku badiyaan garoonka Stamford bridge oo anaay mudo 12 sano ku badin.Daqiiqadii 89-aad ayaa weeraryahanka reer Ivory Coast Salomon Kalou ayaa kubad soo jiitamaysay oo difaac & weeraryahano badan isku cel celiyeen wuxuu ka helay goolhayaha agagaarihiisa taasi oo uu si xarago leh ugu hubsadey shabaqa taasi oo meesha ka saartey riyadii xulka waqooyiga London ee ahaa inay barbar dhac ka helaan kooxda ay martida u ahaayeen ee ka dhisan Galbeedka London.Ciyaaryahanada Tottenham sida Gareth Bale, Luka Modric, Rafael Van der Vaart, Aaron Lennon iyo Roman Pavlyuchenko dhamaantood isku dayo badan oo ay isku dayeen inay goolaal ku keenaan waa ay u suutagali wayday waxaana sidaasi kus oo dhamaatey ciyaartii oo ay guushu ku raacdey Chelsea oo haatan 3 dhibcood oo kaliya ka hooseysa kooxda Manchester United oo hogaanka ku haysa 73 dhibcood.Chelsea waxay 6 dhibcood ka sareysa kooxda reer London ee Arsenal oo beri gurigooda ku marti galin doonta Man United.
Sidoo kale Man United waxay kulan gurigeeda kula yeelan doontaa Chelsea waxaana labadan kulan Man United ay u yihiin imtixaan adag oo ku horgudban riyadooda ah gaaritaanka yoolkooda ah inay ku guuleystaan koobkii 19-aad ee Horyaalka Premiership-ka iyadoo doonaysa inay ka sara marto Liverpool oo ay isku koobab wada haystaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com