Kooxda Chelsae ayaa cariirsatey kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska ee Premiership-ka ka dib markii sadex gool & 1 ay ku quusisay kooxda Birmingham City kulan ka dhacay guriga Chelsae ee Stamford bridge.Goolal ay saxiixeen Malouda daqiiqadii 3-aad, Kalou daqiiqadii 26-aad iyo Malouda daqiiqadii 62-aad ayaa keenay in Chelsea ay fariisato kuriga kabaad ee kala horeynta kooxaha iyadoo 64 dhibcood ay wada leeyihin Arsenal balse ay dheertahay 2 gool taasi oo ah in farqiga goolasha ay ku gashay kaalinta labaad.

Birmingham City hal goo loo rigoore ama gool ku laad ah ayay heshay waxaana u dhaliyey ciyaaryahanka Larrson daqiiadii 76-aad.

Macalinka Chelsea Ancelotti oo horey uga rajo dhigay koobka Premiership-ka haatan wuxuu leeyahay “Tartanka koobka waa furan yahay, anaguna waxaan leenahay fursad aad u wanagsan.”

 Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com