Horyaalka English Premier League ayaa maanta oo sabti ah wareegiisii labaad la ciyaaray waxaana fooda is darey qaar ka mid ah kooxaha ugu adag.

Kooxda Liverpool oo marti u aheyd Arsenal ayaa markii ugu horeysay mudo 10 sano waxay kaga badisay gurigeeda ka dib markii gool uu iska dhaliyey ciyaaryahan Ramsey uu labeeyey Luis Suarez  taasi oo ka dhigan in 2-0 loogu awood sheegtey Arsenal.

Arsenal waxaa kaarka cas ka qaatey Emmanuel Frimpong oo kaarka hurdiga loo taagey, sidoo kale waxaa dhaawac ahaan loo bixiyey daafaca Laurent Koscielny oo ku  biiray dhaawacyo hareeyey kooxda ka dhisan waqooyiga London ee cadaadiska uu saaran yahay macalinkeeda Arsene Wenger.

Kooxda Aston Villa ee ka dhisan magaalada Birmingham ayaa garoonkeeda ku dubatey kooxda Blackburn ka dib markii goolal ay dhaliyeen Agbonlahor daqiiqadii 12-aad Haskey daqiiqadii 25-aad uu sadexeeyey Darren Bent waxaase Blackburn ay la timid hal gool oo uu saxiixay Pedersen daqiiqadii 52-aad.

Kooxda Everton ayaa gurigeeda Goodison Park waxay ku marti soortey kooxda sanadkan ku soo biirtey Premier League ee Queens Park Rangers oo ciyaartii ugu horeysay ee ay ku furatey horyaalkan sanadkan gurigeeda Luftos Road ay ku soo galgalatey Bolton.

Queens Park Rangers waxay maanta guusha halka gool ah ee ay ka keentey Everton ay noqonaysaa tii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1996-kii

Kooxaha Sunderland & NewCastle ee ka dhisan waqooyiga England ayaa xiligii duhurnimada UK fooda isdarey kulankan oo ahaa mid xiiso leh oo derbi ah waxaa 1-0 ku badisey Newcastle oo uu goolka u saxiixay ciyaaryahan Ryan Taylor daqiiqadii 62-aad.

Swansea oo sanadkan ku soo biirtey Premier League oo ciyaartii ugu horeysay Man City ku soo karbaashtey 4-0 ayaa gurigeeda ku sooryeysay kooxda Wigan waxaa ciyaartaasi ku soo dhamaatey 0-0 inkastoo kooxda Swansea goolhayeheeda Michel Vorm oo badbaadiyey rigoore u diiday Wigan inay qaadato sadexdii dhibcdood ee ciyaarta.

Ciyaar aad u adag oo si weyn loo wada sugayey ayaa dhexmartey kooxaha Chelsea & West Bromwich  waxaa ciyaartaasi oo ka dhacdey guriga Chelsea ee Stamford Bridge ee galbeedka magaalada London ay ku soo dhamaatey 2-1.

Inkastoo qalad dhanka daafaca Chelsea ka yimid daqiiqadii 4-aad gool lagaga naxsadey kooxda Buluuga ee maalqabeenka Ruushku leeyahay hadana goolal ka yimid labada ciyaaryahan ee u dhashay Faransiiska Nicolas Anelka daqiiqadii 53-aad & goolka daqiiqadii 85-aad uu dhaliyey Florent Malouda oo badal ku soo galey 34 oo kaliya markii ciyaartu socotey .

Chelsea waxay goolka guusha keentey daqiiqadii 85-aad iyadoo intii ka horeysay geed dheer & mid gaaban u fuushay sidii ay ku heli laheyd goolka guusha ee sadexda dhibcood maadama ciyaartii ay ku bilaabatey horyaalka ee ay martida u aheyd kooxda Stoke ay ku soo dhameysatey 0-0.

Maalinimada Axada ee beri ah 6 kooxood ayaa iska horimaan doona kuwaasi oo kala ah

Norwich City oo horyaalka sanadkan cusub ayaa gurigeeda ku marti qaadi doonta Stoke City, Wolves waxay sidoo kale marti galin doontaa kooxda Fulham ee ka dhisan Galbeedka London ee uu iska leeyahay maalqabeenka reer Masar, 4-ta galabinimo waqtiga UK Bolton oo ay isku dhibco & goolal yihiin Man City ayaa gurigeeda ku martigalinaysa kooxda Imaaradka Carabta laga leeyahay ee Man City.

Kala horeynta kooxaha

Pl W D L +/- Pts
1 Aston Villa 2 1 1 0 2 4
1 Liverpool 2 1 1 0 2 4
3 Chelsea 2 1 1 0 1 4
4 Newcastle United 2 1 1 0 1 4
5 Bolton Wanderers 1 1 0 0 4 3
5 Manchester City 1 1 0 0 4 3
7 Manchester United 1 1 0 0 1 3
7 Wolverhampton Wanderers 1 1 0 0 1 3
9 Queens Park Rangers 2 1 0 1 -3 3
10 Wigan Athletic 2 0 2 0 0 2
11 Norwich City 1 0 1 0 0 1
12 Fulham 1 0 1 0 0 1
12 Stoke City 1 0 1 0 0 1
14 Sunderland 2 0 1 1 -1 1
15 Arsenal 2 0 1 1 -2 1
16 Swansea City 2 0 1 1 -4 1
17 Tottenham Hotspur 0 0 0 0 0 0
18 Everton 1 0 0 1 -1 0
19 West Bromwich Albion 2 0 0 2 -2 0
20 Blackburn Rovers 2 0 0 2 -3

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com