Champions League: Falanqayenta kulanka adag ee caawa dhexmaraya Bayern & Real

Caawa 9:45 xiliga geeska Afrika garoonka kubada cagta caalamiga ah ee Allianz Arena ee ay wadaagaan kooxda heerka koowaad ka ciyaarta Bundesliga-ha Jarmalka ee Bayern Munich & kooxda heerka labaad (Sera B) ee Turn- und Sportverein München von 1860,  balse loo yaqaan TSV 1860 München ama 1860 Munich waxaa ka dhacaysa mid ka mid ah kulamada ciyaareed ee dunida ugu xiisaha iyo xamaasada badan.

Kulankan oo qayb ka ah wareega Semi-final-ka ee koobka Horyaalada qaarada Yurub waxaa ku tartamaya Bayern Munich oo gurigeeda ku martigalinaysa kooxda reer Spain Real Madrid oo koobkan loo cararayo haysata 9, isla markaana macalinkooda Jose Mourinho uu sanadkan dhexda u xirtey in uu qaado koobkii 10-aad.

Kulankan labada kooxood Bayern & Real waa kii 19-aad waxaana inta badan badisay kooxda Bayern Munich oo badisay 10 kulan, lix marna laga badiyey 2 marna barbardhac gashay.

Bayern waxay kaloo haysataa rikoor ah in gurigeeda 9 jeer oo ay ku qaabishay kooxda Real Madrid ay ka badisay 8 jeer iyo hal mar oo barbar dhac ah,

Intaasi oo kaliya kuma koobnee Bayern Munich waxay badisay sadex jeer oo ka mid ahaa afar mar oo ay ku kulmeen kulamada Semi final-ka koobabka Yurub, sanadihii 1976, 1987, 2001 ayay badisya Bayern laakiin sanadkii 2000 ayay Madrid garaacdey Bayern Munich.

Bayern Munich waxay kaloo ku naaloonaysaa inaan laga badin 13 kulan oo ka mid a 14-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay gurigeeda ku ciyaartey dhamaan tartamada.

Bayern Munich waxay sidoo kale la yuurartaa lix kulan oo isku xiga oo ay ku guuleystey gurigeeda kulmada the Champions League, iyadoo guuleysatey 12 ka mid ah 13 ka mid ah kulamada Yurub ee Allianz Arena.

Laakiin Real Madrid dab yar shidan mayso waxay haysataa sanadkan rikoor culus oo ah inaan dhulka la dhigin dhinaceeda hal marna dhamaan kulamadii Champions League-ga

Real Madrid 22 kulan oo ay u safartey wadanka Jarmalka raaxo iyo guul kalama soo laaban waxay 22-kaasi kulan soo badisay oo kaliya hal kulan xiligaasi oo ahaa sanadkii 2000 oo ay -3-2 ku qaarajisay kooxda Bayer Leverkusen 15 kulan oo ka mid ah 22 kulan Real Madrid dhulka ayaa lagu jiiday.

Guusha ugu weyn ee Real Madrid ay ku fadhido ayaa ah in ay ka wada badisay kooxaha Jarmalka ee ay ku kulmeen tartamada koobabka Yurub, koobkii European Champion Clubs’ Cup ee xili ciyaareedkii 1959/1960 waxay 7-3 ku dirtey Eintracht Frankfurt oo ay koobka ka qaaday, 1985/1986 xili ciyaareedkii koobka UEFA Cup waxay garaaccey FC Köln, sidoo kale UEFA Champions League 2001/02 waxay ku durdurisay Bayer 04 Leverkusen.

Kulankan wuxuu ka dhigan kii 23-aad ee Real Madrid ay ka soo muuqato Simifinal-koobkan, iyadoo raadinaysa markii 13-aad oo ay Final tagto.

Jupp Heynckes vs Jose Mourinho

Tababaraha da’da ah ee kooxda Bayern Munich Jupp Heynckesoo bisha soo socota ee May ay u buuxsamayso sanadkiisii 67-aad, waligiis laba lug oo isku xigta kama badin koox uu wato koox ka socota Spain.

Sanadkii 2000 Jose Mourinho wuxuu badaley Jupp Heynckes isagoo kala wareegay xilka tababaranimada kooxda Benfica ee dalka Portugal inkastoo shaqadaasi aanu ku nagaan Mourinho oo lix bil oo kaliya ayuu xilkaasi hayey.

Jupp Heynckes koobka haatan loo cararayo ee Champions League ma ahan mid u cusub kooxda caawa ay iska soo horjeedan ee Real Madrid ayuu la qaaday xili ciyaareedkii 1997/98 ka dib markii kooxdiisu ay wareegii simifinal daaqada ka tuurtey kooxda BVB ama Borussia Dortmund ee reer Jarmal oo iyadu sanadkii ka horeeyey koobkaasi qaaday doonaysana inay difaacato.

Ciyaartii Finalka Real Madrid waxay iska horyimaadeen kooxda Juventus oo xiligaasi ay u aheyd markii sadexaad oo isku xiga oo ay timaado final-ka Champions League, waxaana ay kaga badisay 1-0, koobkaasi wuxuu Real Madrid oo xiligaasi tababare  Jupp Heynckes oo wax saaxiib ah aan kooxda ku laheyn uu ka dhigay koobkii ugu horeeyey koobabka Yurub ee ay qaado mudo 32 sano ah.

José Mário dos Santos Mourinho Félix oo loo yaqaan Jose Mourinho koobkan wuxuu qaaday laba jeer waliba laba kooxood oo kala duwan oo ka kala socda laba wadan ayuu la soo qaaday waxaana uu noqdey tababaraha sadexaad ee  rikoorkan haysta isagoo sadexeeyey Ernst Franz Hermann Happe oo reer Australia ah oo kooxda Feyenoord Rotterdam  ee dalka Holand koobka EUFA Cup la qaaday sanadkii 1969/70, iyo kooxda Hamburger Sport-Verein ee dalka Jarmalka oo uu la qaaday xili ciyaareedkii 1982/83 kaasi oo ahaa markii ugu horeysay ee taariikhda ee koobkaasi ay qaado kooxdaasi.

Ku darso intaad ka ogtahay

Koobkaasi ay qaaday kooxda Hamburger Sport-Verein, wuxuu ahaa koobkii ugu horeeyey ee gacanta u gala koox aan Ingiriis aheyn tan iyo sanadkii 1976 xiligaasi oo ay qaaday Bayer Munich wixii intaasi ka dambeeyey ilaa 1983 koobku wuxuu marba gacanta u galayey kooxaha England ka dhisan kuwaasi oo qaaday lix koob oo isku xigta,  kooxda Nottingham Forest  ayaa laba mar oo isku xigta daftey, Liverpool-na laba mar ayay xareysatey hal marna waxaa gacanta ku dhigtey kooxda Aston Villa ee ka dhisan magaalada Birmingham.

Tababaraha sadexaad ee la haysta darajadaasi Jose Mourinho Ottmar Hitzfeld oo u dhashay Jarmalka kaasi oo kooxaha Jarmalka ee Bayern iyo Borussia Dortmund  koobkan sanadihii 1997 iyo 2001.

Jose Mourinho wuxuu isagu la qaaday koobkan Champions League kooxda FC Porto ee reer Portugal sanadkii 2004 iyo kooxda Inter ee Talyaaniga sanadkii 2010, waxaana uu raadinayaa in sanadkan la qaado koobkaasi kooxda Real Madrid ee uu hogaanka u hayo, isagoo markaasi ka dhigan tababaraha kaliya ee dunida soo mara oo sadex kooxood oo sadex wadan ka dhisan koobkan la qaada.

Kulanka caawa, hadalada labada tababare & shaxda la filayo.

Kulankan waxaa la filayaa in uu noqdo mid aad u adag, waxaana UEFA ay qaaday talaabooyin waa weyn oo dhanka garsoorka la xiriira maadama lagu tirinayo tababare Jose Mourinho in uu kalsooni daro ku qabo maamulka UEFA isagoo u arka in laga hiilinayo oo wlaiba kooxda ay sida weyn u wada xifaaltamaan kooxdiisa Barcelona koobka loo wado, iyadoo taasi laga duulayo xiriirka ciyaaraha Yurub ee UEFA waxay kulankan u doorteen in uu dhexdhexaadiye garsoore heer caalami ah oo uu qibrad weyna u leh tartamada caynkan kaasi oo ah garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii final-ka ee koobka aduunka ee lagu qabtey wadanka Koonfur Afrika.

Garsoorahan oo u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Howard Web uma ahan markii ugu horeysay ee ciyaar adag oo Champions League-ga ka tirsan uu dhexdhexaadiyo wuxuu 20 May 2010 garsoore ka ahaa kulankii final-ka ee ku dhexmarey Estadio Santiago Bernabéu ee Real Madrid ku dhexmarey kooxaha Inter iyo Bayern Munich kulankaasi oo Inter ay ku badisay laba gool oo uu dhaliyey ciyaaryahan Diego Milito koobkaasi oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo Inter qaado mudo 45 sano ah.

Bayern Munich waxay u yeeranaysaa ciyaaryahanada Philipp Lahm, Franck Ribery & Mario Gomez kuwaasi oo la filayo in lagu bilaabo kulanka caawa iyadoo sadex ciyaartoyd la nasiyey kulankii todobaadkan barbardhaca ku dhamaadey ee Bayern la ciyaartey kooxda Mainz.

Bastian Schweinsteiger ayaa isaguna u diyaar kooxda isagoo hal kulan oo ganaax ah soo liqay, waxaase loo badinayaa in tababare  Jupp Heynckes uu safo ciyaaryahan Luiz Gustav o oo booskaasi ka ciyaara isagoo kulankii sabtidii benjiga ku jirey.

Dhaawacyada Bayern Munich waxaa ugu daran Daniel Van Buyten oo anqowga ka dhaawacan, iyo Breno  oo jilibka dhaawac ka qaba kuwaasi oo kulanka guud ahaan ka maqan.

Afar ka mid ah ciyaaryahanada la filayo inay caawa u saftaan Bayern waxay qabaan kaarka hurdiga (yellow card), hadii ay ku darsadaan kaar kale micnuhu waxa weeye in lugta labaad ee la isku arkayo guriga Real Madrid ay seegaan waxaana ka mid ah weeraryahanka Thomas Müller , daafaca Jérôme Boateng, daafaca kale Holger Badstuber & khadka dhexe David Alaba.

Tababare Jose Mourinho  waxaa la filayaa in uu la soo shirt ago shax la mid ah tan Jupp Heynckes ee   4-2-3-1 waxaana afka hore la filayaa in uu dhigo Karim Benzema, iyadoo Angel Di Maria ama Kaka oo kulankii sabtidii ee Sporting Gijon binjiga ku jiray la filayo in midkood garabka bidix ka carari doono, halka Ronaldo la saarey garabka Midig laakiin tababare Jupp Heynckes wuxuu ku macneeyey in Ronaldo aanu ku ekaan doonin garabka midi goo uu tagi doono meel kasta.

Xabi Alonso ayaa isagu shaxda caawa ku soo laabanaya isagoo soo liqay ganaax hal kulan oo dalkiisa gudihiisa ah, waxaase Real Madrid dhaawacyo uga maqan  Ricardo Carvalho oo dhaawac bowdada  ah qaba iyo Lassana Diarra dhaawac muruq qaba.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print