Arsenal waxay si buuxda shaaca uga qaaday in mabda’a ahaan ay heshiis kala gaartey kooxda Barcelona iibka ciyaaryahan Cesc Fabregas oo mudo sadex sano ah gacanta bidix ku sitey calaamada captain-ka Arsenal kaasi oo bilihii la soo dhaafay si weyn ugu hamuun qabey in uu dib ugu laabto gobolkii uu kaga yimid Arsenal ee uu ku dhashay oo ah Barcelona.

Heshiiska laga gaaray in Cesc Fabregas uu ku biiro Barcelona wuxuu soo afjarey raacdeysigii ugu dheeraa ee koox ay doonto inay ku soo iibsato ciyaartoy waxaana laga soo bilaabo xili ciyaareedkii hore Barcelona geed dheer & mid gaaban u fuushay sidii ay garoonka Nou Camp u keeni laheyd wiilka 24-ka jir ah oo isagoo saqiir 16 jir ah ka aadey Emirates Stadium sanadkii 2003-dii.

Maanta oo Isniin ah waxaa shaaca laga qaadi doonaa heshiiska Barcelona & Arsenal ka gaareen Cesc Fabregas waxaana la filayaa in saaka uu maro baaritaanka caafimaadka, ka dibna uu qalinka ku duugo heshiiska uu kaga mid noqonayo Barcelona halka ugu dambeyn uu qaban doono shir jaraa’id sida lagu sheegay website-ka kooxda Barcelona.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger wuxuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee Arsenal in inkastoo aanay dooneyn uu ka tago Cesc hadana ay ixtiraam weyn siinayaan dookhiisa ku aadan in uu dib ugu laabto gobolka uu ka soo jeedo, isla markaana Arsenal ay aqbashay dalabka uga yimid Barcelona, waxaana uu macalin Wenger u rajeeyey guul iyo mustaqbal wacan Febregas oo uu ku tilmaamay in uu juhdi badan ku bixiyey kooxda Arsenal.

Heshiiska Fabreges waxaa lagu sheegay in uu dhaxeeyo 50  ilaa 55 milyan  oo doolar waxaana la sheegay in sidoo kale heshiiskaasi ay ka mid tahay in Febreges uu ku yaboohay in uu isaga tagayo 7 milyan oo doolar oo uu heshiis ahaanta kula joogay kooxda Arsenal, waxaana lagu sheegay in taasi qayb ka tahay sida uu u go’aansadey in uu ka tago waqooyiga London oo uu aado halkii uu ku dhashay, isagoo lacagta lagu gatey ay ka mid tahay in uu isaga huleelo xaqiiqiisii mudo afar sano, laakiin heshiiska rasmiga ah ee qiimaha iibkiisa maanta oo Isniin ah ayaa la sugayaa in si buuxda shaaca looga qaado.
Fabregas, oo qaranka wadankiisa u safrey 58 koob wuxuu la qaaday ciyaartoyda reer Spain koobkii Euro 2008 & koobka FIFA World Cup 2010, waxaana kooxda Arsenal uu u saftey 303 kulan waxaana uu u dhaliyey 57 gool.

Taariikhda Arsenal wuxuu ka galay in uu noqdey ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee u dhaliya gool Premirship-ka ka markii xili ciyaareedkii 2004/05 isagoo 17 sano jir ah oo u dhaliyey kooxdiisa mid ka mid ah 5-tii gool ee ay kaga badisay kooxda Wolves.

Bixida Cesc Fabregas uu ka baxay Arsenal waxay dhabar jab weyn ku tahay Macalin Arsene Wenger oo sanooyinkii la soo dhaafay la yimid falsafad ku dhisan in hoos laga soo bilaabo dhisme koox cudud leh oo ka mid ah kooxaha dunida ugu waa weyn, waxaa kaloo la hadal hayaa in uu albaabka ka baxo ciyaaryahanka reer Farance Samir Nasri oo gabi ahaanba gacantiisa qalinku soo qaban la’yahay in uu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Arsenal iyadoo heshiisku ugu egyahay xagaaga soo socda.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com