Tuulada Awr boogays oo hoostimada degmada xudun ee gobolka Sool oo in mudo ah ay ka jirtay biyo la,aan xogan ayaa dib loo furay xeelkii biyaha ee tuladaasi ka ka dib markii uu dayactir ku sameeyey urur maxli ah oo lagu magacaabo agency for peace and development ABD oo ka shaqeeya biyaha caafimaadka iyo nafaqaynta dhalaanka iyo hoyada .

Mudadii deeganka biyo laantu ka jirtay dadka degan Awr boogays  iyo miyiga ku dhow dhibaato ka haystay helitaanka biayha waxaana ay iisheegen in biyaha ugu dhow ay u jireen afartan kilowmitir isla markaan ay ku adkayd in garaan halkaasi si ay biyo u helaan .

Furitaanka ceelka waxaa ka qayb galay waxgarka deeganka awr bogays ururka ABD iyo hayada biyaha u qaabilsan Puntland ee basawyn.

Axmed Maxamed Yuusuf oo ka tirsan ururka dayactirka ku sameeyey ceelka Awar bogays ayaa ka waramay waxyaabaha uu ka qabteen ceelka tuulada awr bogays waxaana uu sheegay in dib u habayn ku sameeyeen taagiyada biyaha lagu kaydiyo , waastooyinka xooluhu ka cabaan ,qolalka ma toorka la dhigo oo dib hayn lagu sameeyey isla makraana ay soo afjareen shaqo ay mudo sadex bilood ah ka soo wadeen tuulada Awr boogays markii ay shaqada ka bilaabayeena ay ahayd meel dayacan oo dhib ay ahayd in biyo laga helo isla markaana dhanka dhaqaalaha ay ka maal galisay hayadaha care waxaana uu mahad u celiyey dadka tuulada sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen .

Isu duwaha hayada biyaha Puntland ee baasawyn u qaabilsan gobolka Sool Axmed Xasan Faarax Baarwayn ayaa sheegay in uu mahad u celinayo labada hayadood ee iska kaashaday in ay biyo waxaana uu sheegay in baasawayn dadaal xoogan u gashay sidii ay biyo u helilahaayeen bulshada Awr boogays ku dhaqan waxaana uu ku amaanay dadka deeganka sida ay u soo dhaweeyen ulana shaqeyen ururka ABD oo mashruucan deeganka ka hirgaliyey .

Wax garadka iyo odayaasha deeganka Awr bogays ayaa uga mahad celiyey ururka hirgaliyey ceelkaasi oo ay sheegen in ay baahi wayn u qabeen waxaana ay ka codsadeen hayadaha caalamiga ah in ay deeganka ka caawiyaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka oo sheegen iyaga oo sheegay in deeganku yahay mid nabadoon isla markaana ay suurto galtahay in ay waxbadan laga qaban karo .

Intii aan ku jiray safarka aan ku gaaray tuulada Awr boogays oo hostagta degmada xudun ee gobolka Sool waxaa deeganka ka muuqday abaar xoogan waxaana dadka aan wadada kula kulmay oo reer miyi u badnaa isheegen in aysan wali deeganka ka curan roobka xiliga dayrta isla markaana ay ka wal wal qabaan hadii abaartu sii xogaysato in dadka iyo duunyaduba ay khatar galayaan.

 SAWIRO