Ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland waxa uu Casho sharaf u sameeyay kooxda Bandhinga Buugaagta Soomaaliya oo loo yaqaan Scansom kuwaasoo  sanad walba ku qabta wadanka Finland soo bandhigida Buugaata Soomaaliya.

Waxaa ugu horaytii xafalada furay Gudoomiyaha Ururka midnimada Soomaaliyeed Eng: Cabdirashiid Cawad Diiriye waxa uu yiri “dhamaan waxaan salaamayaa marisharafka, Odoyaasha ,Oqoonyahanad iyo bulshada  qay-beheeda kala gadisan , marka xigana waxaan idin ku soo dhawaynayaa xarunta Somaliliito oo ah xarun u shaqaysay Ummada Soomaaliyeed , waana Urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland , waxaana la aas aasay 1994 , Ururku waxa uu xiriir la leeyahay hay’adaha dowlada Finland waxa uuna wax ka qabtaa baahida dad-weynaha Soomaalida ee Finland ,itaasi kadib waxaan idin ku soo dhawaynayaa Adeer Cabdiqaadir Cali Boolaay oo aad wada taqaanaan ku soo dhawaada”.

Waxaa hadalkii  qaatay wariye Cabdul-qaadir Cali Boolaay oo ka mid ahaa wariyaasha ugu caansan Somaaliya barisamaadkii ama la oran karo waa horseedihii saxaafada Soomaaliya .

Wariye Cabdi-qaadir Cali boolaay waxa uu soo bandhigay haddalo murti iyo wadaninimo ay ku dheehan tahay waxa uuna soo qaatay hal-yeeygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo oo ku tilmaamay in uu ahaa Nin u soo dagaalamay xornimada Soomaaliya isaga iyo raggii halganka kula jiray.

Wariye Cabdiqaadir Cali Boolaay waxa uu goobta ka cadeeyay in ay noqotay xornimaddii raggii hore u soo dagaalamay mid qasaartay oo aan helin rag hanta taasina ay tahay nasiib daro u soo hoyatay Ummada Soomaaliyeed , ee walaalayaal waxaan hadalkayga ku soo koobayaa isdaba qabta oo dalkiina iyo dadkiina bad baadiya xornimadii rag u soo hal-gamayna yaan laga dhigin mid qasaartay

Waxaa isna goobta ka hadlay Maxamed Sheekh Xasan oo ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed isla mar ahaataasna ka mid ah mas’uuliyiinta Scansom, waxa uuna ka war bixiyay Ujeedada socdaal kooda isagoo sheegay in markasta ay ku dadaalaan sidii aanu u xasuusin la’hayeen dadkeena Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in aan soo bandhigno Buugaata ku qoran Af-Soomaaliga si aysan u lumin Af-keena Hooyo.

Maxamed Sh, Xasan waxa kale uu sheegatay in Sanadkii dhawaa l qoray 38 Buug oo ku qoray Af-Soomaali oo ay qoreen Qorayaal Soomaaliyeed waana guul u soo hoyatay Shacabkeena isagoo sidoo kale ku baraarujiyay reer Finland in aad ku dadaalaan in aad wax qortaan oo aad ka mid noqotaan dad dadkooda dhaxal u reeba inkaastoo aan hadda  arko qoroyaal Soomaaliyeed oo rer Finland ah waana wax lagu farxo ee intaa halaga sii badiyo ayuu hadalkiisii ku soo gunaanuday qoraaaga.

Guntii iyo gaba gabaddii Casho sharafka loo sameeyay kooxda bandhiga Soomaaliyeed ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan iyadoo dhamaan xubnihii ka soo qayb-galay ay aad u sii sheekaysteen iyadoo la is way-daarsaday sheekooyin taariikh gabayo qiira geliayay xubnihii kulanka ka soo qayb-galay

DAAWO SAWIRADA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Bashiir (Maxamed Info)
Helsinki-Finland