3 Caruur ah oo walaalo ah ayaa waxay ugu geeriyoodeen degmada Eyl oo ka tirsan gobolkaasi Nugaal .

Dhaqaatiirta Caafimaadka deegaankaasi ayaa sheegay in cudurkan uu ku cusubyahay deegaanka hada ka horna aan lagu arag.

hooyada dhashay Caruurtan oo da’dooda ay ka yartahay 6da sano ayaa faah faahin ka bixiysay sida ay wax u gaareen caruurteeda, waxayna sheegtay in iyagoo hurda ay la sookeceen qandho kulul oo mudo saacado ah heysay ka dibna ay neefsashadii gabeen.

Waxay sheegtay in dhaqaatiirta deegaanka oo ay ula soo carartay ay wax ka qaban waayeen maadaama ay tii alle heysay.

Hada ka hor ma jirin cid ugu geeriyootay xanuunka ceynkan oo kale ah deegmada Eyl gobolka Nugaal waana markii ugu horeysay ee la arko.

SBC International Garowe