3 caruur ah ayaa ku dhimatay tiro kalena waa  ay ku dhacmeen dab  maanta ka kacay Xerada barakacayaasha ee kaam Ajuuraan oo ku yaal dhinaca Bari ee Magalada   Garowe halkaas oo sidoo kale ay ku basbeeleen  Guryihii dadku deganayeen oo ka sameysnaa baco iyo cooshado ,

Sadexda Caruura oo  dhintay ayaa la sheegay in ay walaalo ahayeen oo waalidkoodna ay u shaqo tageen dhanka magalada isla markasna guriga ku jiray xiligii  dabku kacay.

Xiliga dabku kacay oo ay jirtay dabayl xoogan oo fududaysanysay in dabku sii kordho ayaa waxaa  gurmadka ka qayb qaatay dadwaynaha xafadaha Dowlada hoose ee  Garowe Booliska iyo dadka ay ka kaamka dabku qabsaday

Xog hayaha Dowlada Hoose ee Garowe Qaasim Farax  Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay goobta dabku kakacay ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadteen deminta dabka, una xaqiijiyay warbaahinta in ay geeriyoodeen 3 caruur ah.

Marka laga yimaado   gubashada xeradaan xiligaan oo kale laguna jiro xagaaga dabylo badan ay ka dhacan Magalooyinka Puntland ayaa waxaa soo bata  gubashada maadama ay sahlayso dabashu in xawli uu u socda

Ururka maxaliga ah ee TIDES oo goobta soo gaartay ayaa waxa dadka  guryuhu ka gubteen ay gaarsiyen Cunto isugu jirtay Caano  buskud.

Sawiro
DSC06919 DSC06926 DSC06930 DSC06947