ku Dhowaad 6 caruur ah ayaa ugu geeriyootay Kaamamka qaxootiga ee ku yaala magaalada Kismaayo xarun goboleedka Jubada hoose ee Soomaaliya  sababo cuduro ka dhashay roobab halkaasi ka da’ay.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Kaamamkaasi ayaa SBC interntional u xaqiijiyay in geerida caruurtan yar yar ay ku timid ka dib markii ay isug biirsadeen cuduro ay ka mid tahay Shuban biyoodka iyo weliba Malaariyo .

Waxay intasi raaciyeen dadku in cuduradaasi ay fara ba’an ku hayaan dad weyn iyo yarba, islamarkaana ay u jeedinayaan dhinacyada Ganacsatada, Maamulka xarakada Shabaab ee ka arimiya magaaladaasi iyo weliba cid alaala cidii wax u qaban karta in ay ka gacmaha u soo fidiyaan.

Warar kale ayaa sheegaya in dadkaasi ay ku jiraan dad iyagu ay kala tageen roobabkii da’ay oo banaan cidlo ah ku sugan, kuna heysato macluul daran ayna u dheertay cuduro ka dhashay roobabka da’ay.

Sikastaba ha ahaatee Arimahan ayaa imanaya xili ay ka curteen deegaanada uu ka koobanyahay Gobolka Jubada hoose siiba Magaalada Kismaayo waxaana ay saameyn ku yeesheen dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha qaxooti ee magaaladaasi.

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Kismaayo.