Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay  ayaa waxaa mantay lagu qabtay gudaha Xarunta Caafimaadka Hooyada ee Isniino  oo ku taal Bariga Boosaaso ,

Waxaa ka soo qayb galay Mamulka Gobalka Bari   Kan Degmada Boosaaso ,Haydii iyo Ururkii Fuliyay Odayaasha .Culimada ,Hooyoyinka oo iyagu ah kuwa loo furay xaruntan.

Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadshay oo ka war bixisay Xarunta Gudoomisada Ururka ISDP  Hibo Xaaji Maxamed Aadan oo iyadu ugu horaytii mahad aan la soo koobi Karin u celisay Hayada MDM oo iyadu ka caawisay dhanka maaliyada  sidoo kale waxay u mahad celisay mamulka Gobalka Bari Iyo kan Degmada.

Hibo ayaa waxay sheegatay in xaruntan ay tahay mid adeegayada caafimaad loogu qaban doono dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka xarumah caafimaadka wax kaloo ay sheegatay in barakacayaasha iyo dadka kaloo dagan bariga Boosaaso uu simanyahay .

Waxaa kaloo ay shegatay in dhisida iyo hawl galinta xaruntan ay ka qayb qaadatay Wasaarada Caafimaadka Puntland  dhanka maaliyadan ay ka caawisay hayada MDM.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka jhadlay Filib  oo ah wakiilka Soomaaliya u Jooga Hayada MDM  waxaana uu isna mahad balaaran u jeediyay dhamaan ka soo qayb galayaashii munaasabadaa lagu furayay Isniino Mathar Clinic intaa kadaib wax uu sheegay in xaruntan dadaalka lagu dhisay ay leedahay  ISDP oo uu sheegay inay yihiinj kuwo ku dadaalayah sidii ay arimah caafimaadka uga haqab tiri lahaayeen bulshadooda gaar ahaa kuwa nugul.

Waxaa Makaroofanka lagu soo dhaweeyay oo halkaa ka hadlay Isu Duwah Wasaarada Caafimaadka Puntland Siciid Maxamed Waraabe oo isagu ugu horayntii sheegay in wax lagu farxo tahay Xaruntan Mantay laga  Furay Bariga Boosaaso oo ay ku nool yihiin  Dad aan awoodin inay meelah ka fog u aadan xaalad caafimaad.

Ugu danbaytii waxaa halkaa ka hadlay oo si toos ah u furay xaruntan Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Bari Yuusuf Muumin  Bide  oo isagu aamaan u jeediay ururka ISDP  oo uu ku tilmaamay inay qabteen wax muuqdah iyaga iyo hayadav MDM oo ka caawisay dhanka Dhaqaalah waxaana uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu arkay  hayad wax muuqda u qabatay dalka loogana baahan yahay inay hayadah kale ku daydaan.

Yuusuf Muumin Bide  ayaa wax uu hayada MDM ugu baaqay inay gaaran Dhamaan Deegmooyinka uu ka kooban yahay Gobalka Bari  intaa kadib wax uu sheegay inay furan tahay xaruntu ayna shaqadeeda bilaaban karto.

Isniino Mathar Clinic ayaa waxay ka koobantahay qaybah caafimaadka hooyada oo ay ka mid tahay dhanka dhalmada ,eegida bukaanka iyo qaybo kaloo badan.

Waxaa Xaruntan Dhismaheeda iyo Gacan ku haynteeda hayah Ururka ISDP  dhanka maaliyada waxaa ka caawinaysay hayada MDM   .

Sawiro





Axmed Nuune
SBC International Boosaaso