Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng, Cabdixakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey oo saaka Ka Dhoogay Magaaladda Gaalkacyo isagoo kusii jeeday Kismaayo ayuu sheegay inuu soo kormeeray meelo badan oo uu roobku waxyeelo xoogan u geystay, isgaoo sheegay inay dowladda horey ula socota dhibaatada uu roobku Ka geystay Magaaladaasi.

Eng Camey Ayaa sheegay in marka koowaad loo baahan n la sameeyo gurmad caafimaad si looga hortago in cudurka Shuban biyoodku ka dilaaco Halkaasi, sidoo kale wuxuu sheegay in la baahan yahay in la isku tasho si looga gudbo dhibaatadaan uu sababay roobku.

Hay’adda Samafalka Ee Dagaankaasinna Waxaa Uu ugu Baaqay iney Soo Dagaan Waqooyaga Magaaladda Galkacyo, Waa Hadii Ay Rabaan iney Shacabka Puntland Wax Uqabtaan, Sida Uu Sheegay.

Wuxuunna Madaxweyne Ku Xigenku Sheegay in Xarun Hay’adeed Oo Ku Taalla Koonfurta Galkacyo Aysan Waxba U Qaban Karin Dadka Ay Saameeyeen Roobabka Ka Da’ay Dhinaca Puntland.

Hoos ka dhageyso codka.