Hay’ada xuquuqul insaanka wadanka Koonfur Afrika  ayaa cambaareyn xoogan dusha kaga duurtay dadkii ka dambeeyay bookii loo geystay ilaa 54-dukaan oo ay ganacsato Soomaaliyeed ku leheyd deegaanka Motherwell ee magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika .

Afhayeenka human rights commission Vincent Moage ayaa sheegay in cadaalada la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay boobkii Motherwell maalinimadii Arbacada, waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhibaatada ay tahay ganacsatada South Afrikanka ah oo ka biya diidsan ganacsiga dadka Soomaalida ah.

Mid ka mid ah dukaamadii la boobay

Hay’adan oo ay leedahay dowlada Koonfur Afrika  ayaa la filayaa in uu baaqeeda hirgalo isla markaana uu saameyn ku yeesho dadweynaha xasaradaha kuwada dadweynaha Soomaaliyeed.

Booliiska oo baacsanaya kooxo bililiqo doon ah

Dhanka kale ninka lagu magacaabo Moletsi Mbeki oo ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika  Thambo Mbeki ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada aysan eheyn ajaanib naceyb balse ay ka dambeyaan milkiilayaasha dukaamada waa weyn ee dalka Koonfur Afrka sida (shoprite iyo pick’npay)ee ku yaalo meelaha Tuulooyinka ah oo ay Soomaalida kaga hormareen dhanka ganacsiga.

Mas’uulkan oo ah ganacsade caan ah isla markaana lafa guro arimaha dhaqaalaha ayaa waxa uu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyay ee abaara halka ay dhibaatada ku qotonto .

20 dukaan oo ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Port Elizabeth ayaa la boobay, waxaana afar ka mid ah dukaamadaasi la qabadsiiyey dab sida uu sheegay Captain Andre Beetge oo ka tirsan ciidamada Booliiska.

Saadaam Axmed Gobey,
SBC Koonfur Afrika  
sadaamg@gmail.com