Tehran:- wadaadka ugu sareeya dalka Iran Aaytullah Cali Khaamanee ayaa ku eedeeyey dowladda mareykanka iyo xulafadeeda in ay ka been sheegayaan arrimaha ku aadan barnaamijka Nuclear-ka dalka Iran si ay bulshadooda uga weeciyaan mushkilada dhaqaale ee kajirta dalalkooda.

Khudbad uu baahiyey TVga qaranka Iran xuska 23 dhimashada aasaasihii jumhuuriyadda Islaamiga Aayatullah Alkhumeeni ayuu ku sheegay in waxa reergalbeedka iyo mareykanka ay sameenayaan ay tahay doqonimo, waxa ay buunbuuninayaa arrimaha nuclear-ka dalka iran si ay u qariyaan mushaakilkooda.

Wadaadka ayaa intaas ku daray in qadiyada nuclear-ka Iran ay tahay mowduuc ku socda horumarka aqooneed balse reer galbeedku ay ku sheegayaan erey bixin hubka nuclear-ka si-ay uga jeediyaan indhaha dadka mushaakilada gudaha mareykanka iyo qaaradda yurub..

Agaasimaha ururka tamarta nuclear-ka Iran ninka lagu magacaabo Fariidoon Cabaasi ayaa sheegay in xarunta cusub ay dhalin doonto kun migawaat oo koronto ah lagana dhisi doono sanadka soo socda magaalada Buushahar ee koonfurta dalka Iran.

Wakaaladda IAEA ayaa sheegtay in ay heshay Yuraaniyaan la bacrimiyey heer dhan 27% wershada forduu ee nuclear-ka dalka Iran.

UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring