Siyaasiga Cali Cabdi Awaare, Ahna Mulkiilaha Hay’adan Warbaahinta Somaliyed ee SBC Ayaa Baaq nabadeed u diray Dhinacyada ku dagaalamaya magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Cayn,

Isagoo ku sugan Degmadda Burtinle ee gobolka Nugaal ayuu Ugu baaqay waxgaradka iyo Isimada Puntland, in arintaasi si deg deg ah loogu baxo, Lana joojiyo colaada Beelahaasi,

Dhinaca kale Labada beelood ee ku dagaalamaya magaalada Buuhoodle ayuu ugu baaqay iney Xabada joojiyaan oo ka heshiiyaan khilaafaadka yar yar ee ku soo laa laaba Dadka deegaankaasi,

Wuxuu oga digay dadka soo abaabulo colaada mararka kala duwan ka dhacda halkaasi, isagoo sheegay in maalin aan maanta aheyn xag alle looga xisaabin doono dhiiga ay daadinayaan,

siyaasiyiinta uu ku jiro ayuu sheegay iney tagi doonaan deegaanka si loo qabooji xaalada, wuxuuna sheegay inuu tagi jiray halkaasi mudadi uu xilka hayay, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay coladaasi,

Ugu danbeyn ayuu Musharaxa madaxweyne ee Puntland 2019 Cali Cabdi Awaare ayaa ugu baaqay dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya iney nabada qaataan oo iska diidaan dadka danaha gaarka ah wata ee hurinaya colaada labada beel ee walaalaha ah,

Dagaal maanta ka dhacay Magaalada buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxaa ka dhashay qasaaraha dhimashada ku dhawaad 10 qof iyo dhaawaca intaasi kabadan, waxaana la sheegay inuu dagaalkaasi u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo kala taageersan maamulada Khaatumo iyo somaliland,

Hoos ka Dhageyso Wareysi :