Mudane Cali Cabdi Awaare oo ah Mulkiilaha Idaacada Maxaliga ee SBC kuna Taala Puntland ayaa ka qeybgalay Shirka Madaxda Warbaahinta Africa iyo Mulkilayaashooda ay ka qeybgaleen oo lagu soo gabagabeeyay Wadank Senegal isaga oo matalaya warbaahinta Soomaaliya

Cali Cabdi Awaare ayaa waxaa uu Sheegay In Shirkaasi Muhiimada Koowaad Xooga lagu saaray Sidii xoriyada warbaahinta Africa loo xoojin lahaa iyadoo sidoo kale shirka lagu soo qaaday sidii warbaahinta Africa loo casriyeeyn lahaa.

Shirka Warbaahinta Africa Arimaheeda looga hadlay ee ka dhacay Dalka Senegal ee qaarada Africa waxaa sidoo kale laga dooday sidii Horumarin loogu sameyn lahaa warbaahinta Qaarada Africa iyadoo taasina ay noqotay mid la isku raacay

Dhinaca Kale shirkan Ku saabsan Arimaha warbaahinta Africa ayaa waxaa goob jog ka ahaa Gabagabadiisii Madaxweynaha Wadanka Senegal Macky Sall raisal wasaare ku xigeenkTurkiga Bulent Arinc kuwaasi oo dhamaantood balanqaad sameyay

Shirkan waxaa sidoo kale lagu iskula soo qaaday Arimaha Horumarinta Tababarada Dadka ka shaqeynaya Xirfadalayaasha Saxaafada in Tababaro loo sameeyo lagu horumarinayo xirfadooda saxaafadeed

Dhamaan madaxdii Warbaahinta iyo Madaxda Caalamka ee shirkan joogtay ayaa waxay sidoo kale si tiraanyeysan uga hadlaan Arimaha Dilalka saxafiyiinta ee ka dhacaya gudaha wadanka iyaga oo muujiyay inay taasi Muujineyso In ay Saxafiyiinta Africa Yihiin kuwo aan loo ogoleyn inay si sax ah u muujiyaan Xaqiiqada Jirta

kulankan gababagabadiisii waxaa lagu saxiixay Heshiis Ku saabsan Arimaha horumarinta Saxaafada Africa iyo Sidii Tababaro iyo Aqoontooda kor loogu Qaadi lahaa Suxufiyiinta Dalka Soomaaliya.

Sawirada

Madaxweynaha Senegal Macky Sall Iyo Cali Cabdi Awaare oo salaamaya Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayasha Kulanka Africa Media Forum
Madaxweynaha Wadanka Senegal Macky Sall  iyo Cali Cabdi Awaare oo Isku Gacanqaaadaya Xarunta Shirka


Madaxweynaha Wadanka Senegal iyo Cali Cabdi Awaare oo jooga Xarunta Kulanka Warbaahinta Africa ee Senegal lagu qabtay



Cali Cabdi Awaare iyo Raiisal wasaare ku xigeenk Turkiga Bulent Arinc oo ka wadahadlaya arimaha Somalia

SBC International Monitoring