ALLAHA u naxariistee Marxuum Cali Boqor Muuse oo ay walaalo yihiin Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ah boqorka beelaha Daarood ayaa ku geeriyoodey magaalada Dubia ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Cali ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaa Dubai halkaasi oo lagula tacaalayey xanuunkiisa, balse uu geeriyoodey 26-kii bishan May 2011.

ALLAHA u naxariishtee Cali Boqor Muuse oo 68 sano jir ahaa wuxuu ifka kaga tagey xaas & 8 caruur ah.

Marxuum Cali Boqor wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaan deegaanada Puntland waxaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeyn jirey arimaha nabadda & horumarka gobolada Waqooyi bari ka hor intii aan la dhisin Maamulka Puntland sanadkii 1998-kii

Dhamana qoyska reer Boqor, qoyska uu ka baxay marxuumka iyo ehelkiisa waxaa tacsi u diraya mulkiilaha hay’adda warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC Cali Cabdi Awaare, dhamaan maamulka & shaqaalaha warbaahinta SBC, waxanaa ILAAH uga baryayaan in uu marxuumka Janadii farsowso ka waraabiyo, samir & Iimaana uu ka siiyo dhamaan qoyskiisa & ehelkiisa.

SBC News Desk