Dawlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in mudo sadex maalmood ah loo sameyn doono baroordiiq wasiirkii arimaha gudaha & amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo lagu diley qarax ka dhacay gurigiisa.

Wasaaru dawlaha arimaha gudaha & amniga Qaranka Axmed Cali Yaqle ayaa shaaca ka qaaday in mudo sadex maalmood ah baroordiiqdaasi awgeed calanka Jamhuuriyada Soomaaliya hoos loo dhigi doono, isla markaana la fasaxayo dhamaan shaqaalaha dawlada.

Wasiir Yaqle wuxuu cadeeyey in go’aankaasi uu yahay mid ka soo baxay madaxda dawlada KMG isagoo docda kalena shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay wax bananabax sameyn sadexdaasi maalmood ee lagu jiro baroordiiqda wasiirkii arimaha gudaha & amniga.

Wasaaradda arriaha gudaha iyo amniga qarabka ee xukuumadda FKMG ayaa sheegtay in muddo sadax maalmood ah calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigayo islamarkaana ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka  wuxuu tibaaxay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku muujiyaan dareenkooda baroordiiqda marxuum C/shakuur oo ah nin ka baxay qaranka Soomaaliyeed.

 Keyse Caamir
SBC News Desk