Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, ka dib markii halkaasi ay u ruqaansadeen sida wararka lagu hayo ciidan ka tirsan dowlada Kenya iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya .

Dadka Deegaanka Buusaar ayaa sheegay in halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u sareeya ka dib marki halkaasi ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Shabaab almujaahidiin si ay uga hortagaan ciidamo huban ah oo ka soo baxay dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sida wararku ay sheegayaan waxaa laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka qarxo dagaal xoogan oo dhexmara ciidamada dowlada Kenya iyo kuwa somalia oo isgarabsanaya iyo xarakada Alshabaab,

Waxaa durbadiiba bilaabatay in dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay isaga barabaxaan iyagoo ka cabsi qaba khasaare ka soo gaara dagaal halkaasi ka dhaca, maadaama ay labada dhinac ay u diyaar garoobeen dagaal.

Sikastaba ha ahaatee saraakiil ka kala tirsan labada dhinac oo saxaafada la hadlay ayaa isugu hanjabay in uu midba midka kale dagaal ku qaadayo iskana difaaci doono, waxaana cabsidu tahay dagaal halkaasi ka qarxa.

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Baardheere.