Ra’isalwasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maalmihii u dambeeyey dalka dibada uga maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaasi oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka mid ah golayaasha dawlada iyo waliba dadweyne aad u fara badan.

Ra’isalwasaaraha ayaa dalka ka maqnaa tan dhamaadkii bishii February ee sanadkan xiligaasi oo ku beegneyd markii uu qabsoomay shirkii London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayey, waxaana markii uu shirkaasi dhamaaday uu booqashooyin ku kala tagey wadamada Sweden, Denmark, Belgium iyo Kenya halkaasi kulamo ku aadan arimaha Soomaaliya kula yeeshay dad kala duwan.

Socodkiisa oo ay ugu dambeysay magaalada Nairobi wuxuu kulan kula qaatey Wendy Sherman oo ah ku xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo u qaabilsan dhanka Siyaasadda

Ra’isalwasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay safiirada wadamada Mareykanka, Talyaaniga & Norway iyo waliba wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji.

DAAWO SAWIRADA

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com